Home wararka Dalka Dhageyso Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Xoogan Oo Ciidanka Dawlada Iyo Alshabaab Ku...

Dhageyso Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Xoogan Oo Ciidanka Dawlada Iyo Alshabaab Ku Dhexmaray Dagmada Mahadaay

0
SHARE

Wararka laga helayo degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar culusu ay ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo dagaalyanadii Al Shabaab ee soo qaaday Weerarkaasi.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdullaahi Maxamed Xuseen ”Geeldoox”  ayaa sheegay in dagaalkaasi uu uga dhaawacmay 1 Askari, islamarkaana ay iska caabiyeen Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in ciiidanka AMISOM ay weerarkaasi kadib tiro madaafiic ah ku gaaraaceen deegaano ku dhow dhow degmadaasi Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Lamana oga illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaaficda ay ciidamada AMISOM ku gaaraacen deegaanadaasi.

Dagaalayahanada Xarakada Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada Gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.

Hoos Ka Dhageyso Codka

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here