Home wararka Dalka AKHRISO Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Khasnajigii...

AKHRISO Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Khasnajigii Dowladda Hoose Ee Xamar

0
SHARE

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wareegto xafiiskiisa ka soo baxday waxaa xilkii looga qaaday Khasnajiga Guud ee dowladda Hoose ee Xamar Cabdiraxiin Iimaan Jimcaale.

Guddoomiye Taabid ayaa xilkan u magacaabay Haweeney lagu magacaabo Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Xubinta Khasnajiga ee dowladda Hoose.

Wareegtada magacaabis ee ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa timid, maalin kaddib markii Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Xaaji Dheere ay shaqo joojin ku sameysay Cabdiraxiin Iimaan Jimcaale.

Tan iyo markii Guddoomiye Taabid xafiiska uu la wareegay, waxaa uu maamulkiisa qaadayay tallaabooyin lagula dagaalamayo Musuqmaasuqa iyo wax is dabamarinta ka jirta Dowladda hoose ee Xamar.

Halkaan hoose ka Akhriso Wareegtada:-

 

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here