Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Wararkii ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

0

xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Faahfaahino hordhaca ah oo kasoo baxaya qaraxaan, ayaa waxay sheegayaan in qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano miinada uu si gaar ah uga dhacay maqaayad ku taalla xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.

Qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay xaafado kamid ah xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo dadka deegaanka ay sheegeen in jugtiisa aad u cusleyd.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maqaayada la weeraray ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Macaawisleyda ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay mudug24, dadkii ku waxyeeloobay qaraxan ayaa loo qaaday goobaha caasimaad ee ku yaalla magaaladaasi, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Weli si rasmi ah looma oga tirada dadka wax ku noqday qaraxaan iyo guud ahaan khasaaraha ka dhashay.

Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howl-galo la xiriira kooxihii ka dambeeyay weerarkan.

Dhawaan unbay aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax ay ku qaaday guri ay magaalada Muqdisho kaga sugnaayeen qaar ka mid ah ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda oo kusoo dhaawacmay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa xilligaasi weerarkaasi ku dhishay 10 nin, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Ad
Previous articleWaa tuma gabadha doorka weyn ka qaadaneysa filimka hadal-haynta badan dhaliyay?
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Qalinka Ku Duugay Sadex Sharci oo Laba Ka Mid alshabaab ka Naxeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here