Home wararka Dalka Sawiro Banaanbax ka bilowday Magaalada Muqdisho Goor dhow oo lagu taageerayo..

Sawiro Banaanbax ka bilowday Magaalada Muqdisho Goor dhow oo lagu taageerayo..

0
SHARE

Waxaa goordhaw banaan bax aad ay ka qeyb qaadanayaan boqolaal dadweyne ah ka bilowday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, banaan baxan ayaana ah mid lagu taageerayo Xukuumada Soomaaliya.

Dadka banaan baxa dhigaya ayaa socod ku maraya Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana dibad baxayaasha wataan boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku taageerayaan Xukuumada Soomaaliya.

Banaan baxayaasha oo Socod ku maray qeybo kamid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiga Maka Al Mukarama waxa ay sidoo kale socod ku marayeen xaafadaha qaar si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Xukuumada.

Dad is xilqaamay oo taageersan Xukuumada ayaa soo abaabulay banaan baxan lagu taageerayo Xukuumada Kheyre, waxaana dadka gaadiid loga soo qaadayay Degmooyinka gobolka si ay u muujiyaan taageerada ay Xukuumada u hayaan.

Amaanka Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan halka ay banaan baxyadu ka socdaan ayaa la adkeeyay, waxaana la xiray Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amaanka .

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here