Home Wararka Maanta Deni oo kulan qarsoodi ah la yeeshay guddi gaar ah oo baarlamaanka...

Deni oo kulan qarsoodi ah la yeeshay guddi gaar ah oo baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay guddi gaar ah oo baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod, oo ay soo gudbisay xukuumadda.

Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga u sheegay in aysan dowladdu wax wada-hadal iyo gorgortan ah ka geli doonin socod-siinta doorashada qof iyo cod, sidaas darteedna uu rabo in baarlamanku sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan xeerka doorashooyinka.

Wararka ayaa xaqiijinaya in Saciid Deni uu guddiga ka dalbaday in la kala qaado doorashada madaxtooyada iyo baarlamanka, islamarkaana doorashada madaxweynaha loo daayo 25-ka Febraayo 2024, tan baarlamankana dib loo dhigo mudda laba sano ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo magaalada Garoowe laga dareemayo xiisad ka taagan doorashada Puntland ee 2024, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, inkastoo ay dadaallo nabadeed wadaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC oo Garoowe u yimid xal u raadinta arrintaas.

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen walaac uga muujiyey xiisadda ka dhalatay muranka ka taagan doorashooyinka Puntland.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen saaxiibada.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal.”

Saaxiibada ayaa ugu baaqayn dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.

“Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah,” ayey yiraahdeen saaxiibada.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”

Ad
Previous articlelaftagareen oo ka Hadlay Damaca Xasan Shiikh ee wax ka badalka Dastuurka Soomaaliya
Next articleGabar Qalliin is qurxin ah u aaday dalka Turkiga oo si lama filaan ah u geeriyootay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here