Home wararka Dalka Dhageyso Rag ka tirsan Kooxda Shabaab oo isa soo dhiibay,,

Dhageyso Rag ka tirsan Kooxda Shabaab oo isa soo dhiibay,,

0
SHARE

Maamulka degmada Qansax dheere ee gobolka Baay ayaa faah faahin ka bixiyay rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kuwaas oo Saacadihii la soo dhaafay isku soo dhiibay Maamulka degmadaas.

Gudoomiyaha degmada Qansax dheere ee Gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa sheegay in ragaas oo gaaraya ilaa laba ay suurtagashay wadahadal kadib in ay maamulkooda isku soo dhiiban.

Waxa uu sheegay in iyaga ay ragaas xiriir la sameeyeen sidaasna ay ugu suuragashay in uu Gacanta Maamulka soo galaan.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in cidkasta oo diyaar u ah in ay isasoo dhiibto uu Maamulku soo dhaweynayo.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here