Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Sarkaal ciidan iyo dad Shacab ah oo ku Geeriyooday qaraxyo ka dhacay...

Sarkaal ciidan iyo dad Shacab ah oo ku Geeriyooday qaraxyo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay degaan ka mid ah gobolka Hiiraan

Taliyahii Saadka Guutada 5aad qeybta 27aad ee Xoogga dalka Col. Barre Ceyrow ayaa ku naf waayey qarax qabsaday gaari uu la socday sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray

Qaraxa oo ahaa miino la aasay ayaa ka dhacay maanta barqadii Wadada u dhaxeyso degaanada Halgan iyo Booco ee gobolka Hiiraan

Sidoo kale saaka Mooto Bajaaj ay wateen Wiilal dhalinyaro ah ayaa qarax kale uu ku qabsaday Wadada u dhaxeyso Baladweyne iyo Degaanka Booco.

Waxaa ku dhintay ugu yaraan laba qof oo shacab ah halka qof kalena u ku dhawacamay sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah oo halkaas ku sugan.

Al-Shabaab oo laga saaray degaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa haatan bilaabay iney qaraxyo ku aasaan wadooyinka isku xira degaanadii laga saaray qaarkood.

Ad
Previous articleCabdullaahi Xiirey Calasow oo Goordhow Qarax Culus lagu Weeraray
Next articleKacdoonka Ladagaalanka Alshabaab oo Maantay Ka Bilowday Gobalka Gedo iyo Dagaalo Culus oo Dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here