Home Wararka Maanta Mooshinka Xasaasi Ah oo Xildhibanaada Maanta U Gudbiyeen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya

Mooshinka Xasaasi Ah oo Xildhibanaada Maanta U Gudbiyeen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta u gudbiyay Guddoonka Golaha mooshin loogu yeerayo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Sida wararku sheegayaan, arrintan ayaa looga gol leeyahay si su’aalo looga weydiiyo qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad, halkaasoo maalintii isniintii uu qof naftii halige ah isku dhex qarxiyay xeradaas, xilli askar fara badan saf ku jireen.

Qaraxan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa inta la xusuuso xero ka mid ah xeryaha ciidamada, kaddib sanadkii hore oo sidan kale qarax uga dhacay Warshadda Nacnaca, Inkastoo uu khasaaraha uu yaraa.

Hadalka kasoo baxay baarlamaanka dalka ayaa kusoo aadayo, ayada oo shaki xoogleh uu ka dhashay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad, waxaana loo soo xiray illaa saddex sarkaal, ka dib markii uu soo galay raadka ah inay fududeeyeen weerarkaas oo ay sheegatay Shabaab.

Ad
Previous articleWilliam Ruto oo ugu danbayn aqbalay inuu la kulmo mucaaradka kenya
Next articleXasan Xuseen Nuur oo Xukun Adag Lagu Riday Kadib Dil naxdin leh oo uu gaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here