Home Wararka Somaliya Dhageyso:- laftagareen oo ka hadlay heshiiska Farmaajo & Rooble ee uu garwadeenka...

Dhageyso:- laftagareen oo ka hadlay heshiiska Farmaajo & Rooble ee uu garwadeenka ka ahaa

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in uu dhamaaday kala ragtid uwanaantii u dhaxeeysay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasare Rooble taas oo salka ku heeysay arrinta Hay’adda NISA iyo Wasaaradda Amniga.

Laftagareen oo garwadeen ka ahaa wada-hadallada labada mas’uul ayaa sheegay in si kalsooni leh oo wanaag kujiro lagu dhameeyay khilaafka kadib dadaal dheer iyo iskudayo badna oo ay sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Roole oo uu sheegay inay tasaasul muujiyeen, waxaana uu sicad u sheegay in dadka Soomaaliyeed ay walwal ka qabeen khilaafka Madaxda.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhamaan madaxda dalka ay wada Shaqeyn doonaan ayna meesha ka baxday kala aragti duwanaantii jirtay haatana la guda galayo howlaha doorashooyinka.

Ad
Previous articleDhawaqa Risaasta Culus oo saaka Laga Maqlayo Duleedka Degmada Gurceel
Next articleAkhriso:- Heshiiska Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Rooble oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here