Home Wararka Somaliya Galmudug Deg Deg: Galmudug oo Shaacisay Qaar ka Mid ah Kuraastii Taalay Magaalada...

Deg Deg: Galmudug oo Shaacisay Qaar ka Mid ah Kuraastii Taalay Magaalada Gaalkacyo

0

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyey jadwalka 6 kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo ah kuraastii u horeysay ee doorashadoodu ay ka dhaceyso deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Doorashada lixdaas kursi ayaa magaalada Gaalkacyo lagu qaba doonaa 5-ta bisha soo socota ee Maarso, sida lagu shaaciyey jadwalkaan.

Sidoo kale seddax ka mid ah kuwaastaan lixda ah waxaa loo xiray Dumar, sida lagu cadeeyey jadwalka ka soo baxay guddiga doorashada Galmudug.

15-ka bisha Maarso ayaa lagu heshiiyey in la soo gabagabeeyo doorashada dhamaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

.

 

Ad
Previous articleRooble oo Magacaabay 7 Xubnood oo Maalmahaan laga Sugaayay(Aqriso)
Next articleWadahadaladii Ukrain iyo Ruushka oo goordhow Soo Gabgaboobay(aqriso natiijada+Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here