Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan oo amaro Culus dul dhigay golaha wasiirada kadib markii uu...

Madaxweyne Xasan oo amaro Culus dul dhigay golaha wasiirada kadib markii uu shir guddoomiyey

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxa uu faray Golaha Wasiirada inay mudnaanta koowaad siiyaan la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay wasaaradaha oo dhan kaalin ku yeeshaan dagaalka Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada ay haystaan.

“Wasaaradaha xukuumadda oo dhan waa inay mas’uuliyad iska saaraan sidii deegaanada laga xoreeyaya argagixisada looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad deg-deg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabadda, dowladnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Soomaaliyeed ee iyagu dagaalka adag kula jira argagixisada.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan jiida hore ee dagaalka
Next articleCali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminaayo oo Gaaray Baladweyne(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here