Home Wararka Maanta Dalka ciraaq oo Talaabo adag Ka Qaaday Safiirkii Swedan u Fadhiyay Dalkaas

Dalka ciraaq oo Talaabo adag Ka Qaaday Safiirkii Swedan u Fadhiyay Dalkaas

0

Dowladda Iraq ayaa Khamiistii dalkeeda ka eriday, danijirihii Sweden u fadhiyay Baghdad, tallabadaasi oo ah mid ay ku gudbineyso farriin ay uga cabaneyso fal qorsheysan oo lagu rabo in lagu gubo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah gudaha magaalada Stocklom ee caasimadda Sweden.

Wakaaladda wararka Ciraaq oo soo xigenaysa bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, ayaa ku warrantay in xukuumadda Baghdad ay sidoo kale u yeeratay danjiraha u fadhiya Sweden.

Dibad-baxayaal kasoo horjeeda Islaamka oo uu ku jiro nin muhaajir ah oo asal ahaan kasoo jeedo Ciraq ayay ciidanka booliska Sweden u oggolaadeen inay Musxafka Shariifka ah ku gubi karaan bannaanka hore ee Safaaradda Ciraq ee magaalada Stocklom.

Ninkan Ciraaqiga ah ayaa bishi June, kitaabka Qur’aanka ku hor gubay masaajid ku yaalla caasimadda Sweden.

Dhanka kale dibadbaxayaal ka careysan ficilka lagu gubay looguna xeed-xeedanayo in mar kale lagu gubo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa Khamiistii mudaaharaad rabshado watay ka hor dhigay xarunta safaaradda Sweden ee magaalada Baghdad. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden ayaa sheegay in aysan wax dhibaato ah soo gaarin howlwadeenka iyo diblamaasiyiinta Sweden ee Baghdad.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo burburiyay xarumo alshabaab lahaayeen
Next articleMaxaa ka run ah sawirka faafay ee lagu sheegay diyaarad dagaal oo ay Soomaaliya iibsatay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here