Home Wararka Somaliya Galmudug Xildhibaan Yaasiin Farey oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Alshabaab ku Qaadeen Deegaanka...

Xildhibaan Yaasiin Farey oo Ka Hadlay Dagaalkii Shalay Alshabaab ku Qaadeen Deegaanka Bubdud iyo Beebeyaal Laga Gubay Dowlada

0

Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kuna sugan furinta hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyay weerar ku billowday qaraxyo oo ay gelinkii dambe Arbacadii Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Budbud oo ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga maamul goboleedka Galmudug.

Yaasiin Farey oo xog ka bixiyay weerarkaas ayaa shaaca ka qaaday inuu qaraxyo ku bilowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Xildhibaanka oo u warramay Idaacadda VOA ayaa sidoo kale xusay in laga hortegay weerarka, isla-markaana khasaaraha uu kooban yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxyada ay saameeyeen gaadiid yaallay xerada la weeraray, balse khasaaraha nafeed uu yaryahay, sida uu ku dooday.

Waxa kale oo uu intaas kusii daray in haatan xaaladda ay dagan tahay, magaaladana ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

“Qaraxyo ayay kusoo weerareen magaalada, markii dambana waxaa la’isla soo gaaray illaa maqribadii. Magaalada hadda jawigeeda waa xasilan yahay, iyaguna ma joogaan ciidamada dowladda ayaa ku sugan wax hadda oo khasaare weyn ma jiraan,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Al-Shabaab aysan wax badan  joogin deegaanka isla-markaana marka laga itaal roonaaday ay isaga carareen.

“Cadowga wax badan ma joogin waa intii yareyd oo qaraxyada ay dhaceen ayaa weerar wax ka yar saacad kaliya socday ayaa ka dhacay meesha,” ayuu markale yiri Yaasiin Farey.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo ciidamada huwanta ay haatan kusii siqayaan deegaano hor leh oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, ayaga oo guullo waa weyn ka gaaray howlgalladi u dambeeyay ee Galmudug.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Dagaal Culus ku qaaday Deegaanka Budbud Galmudug ee Dhawaan Laga saaray
Next articleMagdhow Tira Badan oo lasiinaayo Qoysaska Askar Soomaaliya Lagu Dilay iyo Kuwa Ku Dhaawacmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here