Home Wararka Maanta Madaafiic goordhaw lagu garaacay magaalada Muqdisho iyo Wasaarada Caafmaadka Oo Hoobiye ku...

Madaafiic goordhaw lagu garaacay magaalada Muqdisho iyo Wasaarada Caafmaadka Oo Hoobiye ku Dhacay

0

Tiro madaafiic ayaa goordhaw kusoo dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyin ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya , waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaafiicda goordhaw la maqlay lagu tuuray xarunta madaxtooyada Soomaaliya, madaafiicda qaarkood ayaana ku dhacay xaafado ka fog fog madaxtooyada.

Mid kamid ah madaafiicda ayaa lasoo warinayaa in uu ku dhacay guri dad shacab ah degan yihiin oo kuyaalla isgooska Hotelka Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana khasaaro uu kasoo gaaray dad shacab ah oo gurigaasi ku sugnaa.

Madfac kale ayaa Gudaha Wasaarada Caafmaadka Ku Dhacay Taas oo Sababtay Khaasaaro Dhaawa ah oo Soo Gaaray Qaar ka Mid ah Shaqaalaha wasaarada Caafmaadka waxaana Ka Mid ah Dr Cabdullahi muuse iyo Qaar kale

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa  u muuqda maamlahan mid sii xumaanaya, waxaana magaalada ka dhacaya iska hor imaadyo dilal qorsheesan iyo sidoo kale weeraro loo adeegsado madaafiic.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro Ka Dhashay (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Ku Xigeenka Galmudug iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo iyo Sababta Safarkiisa oo la Shaaciyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here