Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka socda Maantay markale Dib uga Qarxay Laasacaanood

Dagaal culus oo ka socda Maantay markale Dib uga Qarxay Laasacaanood

0

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socdo duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa ka socdo bariga magaalada Laascaanood oo ay maalmihii u dambeeyay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

 

Ad
Previous article40 tahriibeyaal ah oo lagu la’yahay xeebaha Talyaaniga
Next articleKooxda Wagner oo Durbaba la wareegtay magaalo muhiim u ah milatariga Raashiya Xili Putin Xaalku Xunyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here