Home Wararka Somaliya Galmudug Xiisada u Dhaxaysa Ciidamada Dowlada iyo Macawislay oo Ka Taagan Gobalka Mudug...

Xiisada u Dhaxaysa Ciidamada Dowlada iyo Macawislay oo Ka Taagan Gobalka Mudug iyo Dagaalo sababay Dhimasha iyo Dhaawac oo Dhexmaray

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in degmada Camaara ay ka taagan xiisad xooggan oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ku sugan.

Xiisaddan ayaa la sheegay inay salka ku hayso dhac loo geystay dadka xoolo dhaqatada ah ee degmadaasi, taasi oo ay si weyn uga caroodeen shacabka hubeysan ee qeybta ka ahaa dagaalka Al-Shabaab, sida ay dadka deegaanka u sheegeen warbaahinta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiisaddan ay dhalisay gacan hadal kooban oo labada dhinac maalintii shalay ku dhex-maray halkaasi, wallow ay maanta xaalka degan yahay haddana weli wey taagan tahay xiisadda.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa iska hor imaadka ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku geeriyooday illaa Afar ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Dagaalkii halkaas ka dhacay oo la isku adeegsaday hub kala duwan ayaa sidoo kale saameeyey isku socodka dadka iyo ganacsiga ee degmadaasi iyo kuwa ku xeeran.

Ciidamadaan ay xiisadda u dhaxeyso ee ku dagaalamay Camaara ayaa horey iskaga kaashaday dagaalkii kooxda Al-Shabaab looga saaray degmada, waxaana haatan socda dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda, islamarkaana la iskugu soo dhaweynayo labada dhinac.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xilli ay hoos u dhaceen howl-gallada ka dhanka ah dagaalka Al-Shabaab, oo markii hore ku socday dardar xooggan, ayada oo tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee Al-Shabaab ay kooxda weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah kooxda.
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Itoobiya Oo Si Kulul Uga Hadashay Heshiiskii Xasan Sheekh Iyo Al-Siisi
Next articleQoomiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya oo ka hor yimid damaca qalafsan ee Abii Axmed ku Doonaayo Badda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here