Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka oo Magaalada Muqdisho Kusoo Qabtay Tuugo Badan oo hubeesan iyo...

Ciidamada Amaanka oo Magaalada Muqdisho Kusoo Qabtay Tuugo Badan oo hubeesan iyo waxyaabaha Maanka dooriya (Sawirro)

0

Ciidamada booliiska qeynta gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka howlgala qeybta bari ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen kooxo burcad hubeesan oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay dad shacab ah.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen in ay soo qabteen burcada hubeesan oo magaca ciidanka dowladda dad shacab ah ku dhacayay .

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale inta howlgalka wadeen soo qabtay mootooyin ay adeegsanayeen burcada iyo sidoo kale waxyaabaha maanka dooriya oo la iibinayay.

Ciidamada amniga ayaa maalmihii lasoo dhaafiyay xoojiyay howlgalada ay kula dagaalamayaan kooxaha burcada hubeesan iyo ciyaalka weerada ,kuwaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba si joogta ah uga geestay degmooyin kuyaalla Muqdisho.

Ad
Previous articleOday Toogtay Wiil yar oo kusoo qaldamay Gurigiisa iyo Booliska oo Soo Qabtay Dilaaga
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka Muqdisho loogu Gaystay Naciima Cabdiraxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here