Home Wararka Somaliya Daawo Sawirada: Shabaab oo soo bandhigtay la Wareegida Degmada Bacadweyne ee Gobolka...

Daawo Sawirada: Shabaab oo soo bandhigtay la Wareegida Degmada Bacadweyne ee Gobolka Mudug

0

Kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay caddeyn muujineysa qaabka ay ula wareegtay deganka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo ay dhowaan shaaciyeen inay qabsadeen dagaal la’aan.

Waxaa degaankan muddo dheer ku dagaalamayey ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo ka hortaagnaa Alshabaab waxaana la sheegay inay Jimcihii isaga baxeen ciidamadii dowladda, taasoo keentay inay si fudud ula wareegaan Al-Shabaab.

Xarumihii Maamulka Galmudug iyo xeryihii ciidamada Xoogga dalka ee degaanka ayaa waxaa buux dhaafiyey Al-shabaab sida ka muuqata sawirada, iyadoo uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug iyo talisyada ciidamada dowladda kuna saabsan sababta ay uga baxeen degaankaasi oo muddo dheer laga difaacayey Al-shabaab.

Ad
Previous articleFarmaajo oo safarkii Ugu Horeeyay u amababaxay Tan iyo Markii Xilkiisu dhamaaday
Next articleSawiro: Heshiis laga gaaray Shaqaaqo ka dhacday Duleedka Gaalkacyo oo u dhaxeysay Galmudug iyo Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here