Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay geeridii Khadra Daahir cige

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay geeridii Khadra Daahir cige

0

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Eebbe ha u raxmadee, Khadra Daahir Cige, oo kamid ahayd Fannaaniintii ugu magaca dheeraa hobolada Waberi, oo caawa ku geeriyootay magaalada Hargeisa.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa ehelka, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay kabaxday Khadra Daahir Cige.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn uga baryay Eebbe in uu janadiisa ka waraabiyo marxuumad Khadra, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka, xigtada iyo sidoo kale guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleFanaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo geeriyootay
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Fasax Galay Xili aan Wali Lasoo Dhisin Golaha Wasiirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here