Home Wararka Somaliya Galmudug DEG DEG: ALSHABAAB oo Weerar Culus oo Qaraxyo ku Bilowday Ku Qaaday...

DEG DEG: ALSHABAAB oo Weerar Culus oo Qaraxyo ku Bilowday Ku Qaaday Degaanka Qaayib ee Galmudug

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaankaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Qaraxyo waaweyn ayaa xilligii Salaadda Subax laga maqlay deegaankaasi, waxaana xigay weerar toos ah oo Shabaabku ku ekeeyeen xeryaha ciidamada.

Qaayib ayaa 30km u jirto Degmada Baxdo, waxayna wararka sheegayaan in isgaarsiinteedu ay aad ciriiri u tahay.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa goor dhow gurmad ahaan uga baxay Degmada Baxdo.

Weerarkan ayaa imaanaya, xill Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay 25-kii bishii October dagaal culus kula wareegeen deegaankaasi.

Shabaab ayaa saldhig weyn ku lahaa Qaayib, oo dhowr iyo toban sano ay ka arriminayeen.

Ad
Previous articleWar ka soo kordhay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay Tanzania
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Alshbaab ku Qaadeen Deegaanka Qaayib iyo Meydad Daadsan Qaayib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here