Home Wararka Maanta Deg Deg: Taliye shub oo Goordhow Xildhibaan Loo Doortay(Sawiro)

Deg Deg: Taliye shub oo Goordhow Xildhibaan Loo Doortay(Sawiro)

0

Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah taliyaha ciidamada Asluubta Soomalaiyeed ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliye Shub ayaa ku soo baxay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#172, isaga oo aan gelin tartan adag, maadaama loo xiray kursigan oo ka mid ahaa kuwa isha aadka loogu hayey.

Guusha taliyaha ciidanka Asluubta ayaa aheyd mid horey loo sii oogaa, isla-markaana loo saadaalinayey inuu kuu biirayo Golaha Shacabka, maadaama loo xiray kursiga Hop#172.

Sidoo kale ninkan ayaa ah Sodoga Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay u dhaxdo gabar uu dhalay, taas oo sii xoojisay guushiisa doorashada.

Arrintan ayaa sidoo kale meesha ka saartay isku daygii Villa Somalia ee ku aadanaa in Baarlamaanka uu soo galo madaxwetyne Lafta Gareen, si uu u noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka, kadibna uu ku biiro ololaha dib u doorasho ee madaxweyne Farmaajo

Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano (Taliye Shub) ayaa ku biiraya saraakiil horey loogu doortay Golaha Shacabka , waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kulane, Yaasiin Farey, Bashiir Ameeriko, halka kuwa kale ay waayeen, sida Bashiir Goobe iyo Indha Qarshe.

Dhanka kale Xaawo Sokor Cali ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#047, waxaana ay heshay 79 cod, halka Fadumo Maxamed Isaaq ay heshay 18 cod.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysaa, waxaana qorshaha uu yahay in maanta oo ah 15-ka March ay doorashada soo gabagabeyso dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Ad
Previous articleShirkadaha bixiya Adeega Korantada oo ku Dhawaaqay arin Shacabka Soomaaliyeed ka Naxeen
Next articleSoomaaliland “Sheekh Aadan Suni Wuxuu Ubaxsaday Alshabaab”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here