Home Wararka Maanta Xukun dil ah oo lagu riday 14-nin oo katirsan kooxda Al Shabaab...

Xukun dil ah oo lagu riday 14-nin oo katirsan kooxda Al Shabaab (Sawirro)

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntalnd ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday 14 nin oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab ,kuwaa oo lagu eedeeyay in ay dilal geesteen.

Ragan loo heestay in Al Shabaab katirsan yihiin ayaa maxkamadda ciidamada Puntland ku heshay in ay dilal kala duwan iyo qaraxyo ka geesteen deegaanno katirsan maamulka Puntland.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntalnd ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 14 nin oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab l.

Maxkamadda ayaa si kooban u baahisay magacyada iyo macluumaadka Khawaarijta la xukumay, kuwaas oo kala ah:

1-Abuukar Cabdi Cisaaman (Goobe) ina khadiijo Barre macalin 52jir ah ku dhashay Muqdisho dil toogasho.

2-Salaad Cabdulahi Cabdi ina Xamiido Cumar 28jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

3-Xasan Muuse Axmed (Niini) ina Aasiyo Shiikh Axmed 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

4- Abdikhaaliq Warsame Barre (Madaxey) ina Sureer Cabdi 26jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

5- Farxaan Faysal Salaaad Xirsi ina Ubax Axmed Weheliye 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

6-Abdulaahi Faysal Xuseen ina Xaali Maxamed Xaashi 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

7-Barkhad Cawil Xirsi Nuur ina Sacdiyo Salaad 19jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

8-Cade Abdulaahi Maxamed Cilmi ina Sacdiyo Maxamed 22jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

9-Abdiqani Saleebaan Jamac Faraax (Sayloor) ina Abshiro Yusuf Xirsi 23 jir ah ku dhashay Garoowe dil toogasho.

10-Xasan Jamac Maxamed Cali (Xasan) ina Ruqiyo Maxamed Xaashi 25 jir ah ku dhashay Muqdisho toogasho.

11- Maxamed Cali Axamed Muuse ina waris Nuur Xuseen 24jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

12-Liibaan Aadan Muuse Cade ina Nimco Xasan Mahdi 20jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

13- Cabdiqani Farxaan Cabdulaahi ina Khadro Maxamed 18jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

14- Abdiraxmaan Cawil Axamed ina Samsam Saleebaan 18 jir ah ku dhashay Gaalkacyo dil toogasho.

Halka Cabdixakiin Jamaac Xasan Dheere ina Maryan Axmed 52jir ah ooo ku dhashay Gaalkacyo ay maxkmadu ku xukuntay 20 sanno oo xarig ah.

Ad
Previous articleDowlad degaanka Soomaalida oo 4 qodob ka soo saaray kala dirida Ciidanka Liyuu Boolis
Next articleUkriane oo markale koronto dhoofinaysa kaddib bilooyin uu Ruushku weerrarayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here