Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo isugu Yeeray Golaha Wasiirada Galmudug Xili la Filaayo inuu...

Qoor Qoor oo isugu Yeeray Golaha Wasiirada Galmudug Xili la Filaayo inuu Wasiiro Cusub Soo Dhiso(Sawiro)

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Xalay shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Galmudug, waxaana kulanka caawa lagu ansixiyey laba hindise sharciyeed oo ay golaha hor keentay wasaaradda arrimaha guduha maamulkaas.

Labada hindise sharciyeed ee Golaha Wasiirada Galmudug ay ansixiyeen ayaa kala ah:

1– Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowlad goboleedka Galmudug.

2– Iyo Shirciga ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dowlad goboleedka Galmudug.

“Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyada Galmudug.

Sharciyadaan waxaa u dhiman si loogu dhaqmo in wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ay u gudbiso baarlamaanka maamulkaas, si loo meel mariyo, kadibna uu u saxiixo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Ad
Previous articleP.M Rooble oo loo Magacabaayo Safiir Mid ka Mid ah Dalalka Carbeed
Next articleGobalka Babaadir oo Ku Dhawaaqay inaysan ka Qaybgali Doonin Imtixaanka Shahaadiga ah ee 18ka Bishaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here