Home Wararka Maanta Waa Kuma Sareeyo Guuto Axmed Aadan Taliyaha Cusub ee Lugta Laguna Badalay...

Waa Kuma Sareeyo Guuto Axmed Aadan Taliyaha Cusub ee Lugta Laguna Badalay Biixi iyo Sababta Biixi Xilka Looga Qaaday?

0

Taliyaha ciidamada Lugta Biixi ayaa lagu badalay Sareeyo Guuto Axmed Aadan, Axmed Aadan waxaa uu ka mid ahaa saraakishii Dowladii Cabdulaahi Yuusuf, Muqdisho iyo Shabeeloyinka ayuu qeybweyn kulahaa xoreyntii Al-Shabab laga xoreyay. Labo jeer ayuu noqday Taliyaha Guutadda, haddana waxaa uu ahaa Abaandulaha qeybta 12 April ee mid ka mid ah Shebeeloyinka.

Axmed Aadan markii ay burburrtay Dowladda Dhexe waxaa uu ahaa Ganacsade dib udhiskii Dolwanimada Somaaliya ayuu ku biiray ciidamada waxaa uuna ciidan noqday Dowladdii KMG ahayd ee Cabdulaahi Yuusuf.Aas-aaskii Ciidamada Baydhabo lagu aas-aasa ayuu ahaa, Darajada Generaal waxaa udalacsiyay Madaxweyne HSHM 2016-kii. Axmed Aadan waxdoor ah kuma lahan Maamulka Jubaland magacabistiisa, dadka aad uyaqaano waxay ishegeen in xitaa markii ay taagneyd doorashada Xildhibaanada Ceelwaaq iyo Garbahaarrey inuu tageersanaa kuwa Garbahaarrey.

Generaal Biixi waxaa uu ahaa qofkii ugu danbeyay ee Dowladdii Farmaajo ka tirsanaa oo arrimaha Gedo sameyn kula lahaa oo laga saaro hanaanka Dowladda HSHM, Biixi waxaa uu ahaa sarkaal awood balaaran kulahaa ciidamada Dowladda iyo Maamulka gobalka Gedo amro badan oo u bixiyay ayaa lagu celinayay siyaasiyiinta Jubaland.

Qorshihii udambeyay ee soo dadajisay xilka qaadistiisa ayaa hayd diyaaradii laga celiyay Garbahaarrey ee waday Maamulka Gedo JL, ka dib markii uu amar ku bixiyay in la damiyo raateerka diyaarada laga hayay markii muddo 20 daqiiqo ah ay magaalada usoo jirtay, taasina ay keentay in diyaarada ay dib ugu laabto magaalada Muqdisho .

Ad
Previous articleDad “Nabi Ciise ka baadi-goobayay Itoobiya” oo la qabtay
Next articleCiidamadii Xasiliyay Amniga Muqdisho oo Lagu Wareejiyay Amaanka Ceelisha Biyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here