Home galmudug Dhagayso Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigtay Nin Xaaskiisii Ku Dilay Dagmada Goldogob...

Dhagayso Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigtay Nin Xaaskiisii Ku Dilay Dagmada Goldogob Ee Gobalka Mudug Kana Hadashay Xiisada Bariga Gobalka Mudug

0

Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay 5 nin oo mid ka mid ah dilay xaaskiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Booliska maamulkaasi.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska gobolka Mudug qeybta Galmudug Maxamuud Cilmi Maxamuud ayaa sheegay raggan ay Ciidamada gacanta ku dhigeen in ay kala yihiin nin xaaskiisa dilay iyo Afar nin oo gacan ku siisay.

Wuxuu sheegay Taliyaha dilka in uu ka dhacay degmada Goldogob oo ka tirsan Puntland, balse raggan ay u soo carareen qeybta Galmudug, sidaasina ay gacanta ugu dhigeen Ciidamada.

Maxamuud Cilmi Maxamuud Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska gobolka Mudug qeybta Galmudug ayaa sidoo kale sheegay raggan ay gacanta ku hayaan in marka hore ay baaritaano ku sameyn doonaan kiisaskooda, kadibna ay u gudbin doonaan Puntland.

“Dilkan wuxuu dhacay shalay ka dhacay Goldogob, saakay ayan gacanta ku dhignay 5-ta nin, iyaga oo wata Gaari iyo Qori, baaris ayaa ku socota, kadibna waxaan ku wareejin dooonaa maamulka ay wada shaqeynta inagala dhaxeyso ee Puntland”. Ayuu yiri Maxamuud Cilmi.

Ninka Xaaskiisa dilay oo lagu magacaabo Cabdi Jaamac Guuleed ayaa sheegay xaaskiisa waqtiyadii ugu dambeysay in ay ka dhaxeysay xurguf yar, sidoo kalena uu jiray Maseer, sidaasina uu ugu dhuftay Xabad uu ka riday Qorigiisa.

Dhowaan weerar ka dhacay degaano duleedka ka ah magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu dilay dad reer miyi ah, oo ka soo jeeda Galmudug, kuwaasi oo ay dileen Maleeshiyaad ka tirsan Puntland.

Hoos Ka Dhagayso Codka

Mudug24 Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here