Home Wararka Maanta Ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo tagay guri uu Nairobi ka...

Ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo tagay guri uu Nairobi ka degan yahay wiil uu dhalay Uhuru Kenyatta iyo Uhuru ka Carooday

0

Ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya ayaa la sheegay in ay tageen guri uu magaalada Nairobi ka degan yahay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyada oon wali la ogeyn ujeedka ciidanka gurigaasi u tageen.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kemyatta ayaa sheegay in ciidamo katirsan booliiska Kenya oo watay baabuur leh taarikada dalka Sudan ay weerareen guriga uu degan yahay wiilkiisa curadka .

Uhuru ayaa sheegay in qoyskiisa uu ka difaacayo weerarada gar-darada ah ee uga imaanaya dowladda Ruto, waxa uuna sheegay in booliiska looga baahan yahay in ay sharci u maraan ayna soo jartaan waaran marka ay qof doonayaan in ay xiraan.

“Aniga sida ay ila tahay, booliisku ma isticmaalaan taariko qalaad, warqad waaran ayay wataan, kiiskooda ayay soo bandhigaan, waxayna soo saaraan waaran u ogolaanaya waxay rabaan, aniga oo xafiiska jooga ayaan ku iri wiilkeyga albaabka ha furin, markii aan Madaxweynaha ahaa, waxaan difaacay dalkayga. Waxaan ahay nin hawlgab ah, qoyskeyga ayaan ilaalinayaa,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Uhuru  ayaa sheegay in aan la aqbali karin weerarada ku socda qoyskiisa sida hooyadiis iyo carruurtiisa, waxa uuna xusay in aamusnaantiisa aysan ka dhigneyn in uu cabsanayo , waxa uuna si cad ugu sheegay madaxweynaha haddii uu isaga rabo in uu u yimaado.

“Xaqiiqda ah inaan aamusay macnaheedu maaha inaan cabsanayo, ii kaalay haddii aad aniga i dooneyso, marnaba aqbali meyno cabsi gelinta uu wado madaxweyne Ruto” ayuu ku celiyay madaxweyne hore Uhuru.

Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa beeniyay in uu maal-geliyay sidoo kale abaabulay dibad-baxyadii ka socday maalmahan dalka Kenya, waxa uuna sidoo kale sheegay in dowladda ciidankii ilaalada kala noqdeen hooyadiis oo ah marwo hore oo madaxweyne.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Kenya ayaa imaanaya xilli dowladda uu hoggaamiyo William Ruto ay ku tuhmeyso in uu maal-galinayo dibad-baxyada rabshada watay ee maalmahan ka socday qeybo kamid ah dalka Kenya .

Ad
Previous articleNinka Kasoo Goostay Alshabaab oo ku biiray Ciidamada Dowlada oo Toogasho ciidamo ku dhinteen ka Fuliyay Degmada….
Next articleCali Jayte oo Faahfaahin Ka Bixiyay Waxa Ay isku Hayaan Cali Guudlaawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here