Home Wararka Maanta Maxay Raisul Wasaare Xamse iyo Deni kawada hadleen oo xalay kulan gaar...

Maxay Raisul Wasaare Xamse iyo Deni kawada hadleen oo xalay kulan gaar ah wadaqaatay? qaatay

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa hoyga uu Muqdisho ka deganyahay ku qaabilay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur iyo La-taliyaha Ra’iisal wasaaraha Mudane Cali Cabdi Awaare.

Puntland ayaa ka hor ka gaabsatay booqasho Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre ku tegi lahaa Garoowe, waxaana uu hadda doonaya in meesha laga saari lahaa hadii uu jiro madmadow isaga iyo Puntland oo ah maamulka ugu tunka weyn dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Madaxweyne Deni ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee Xamar u jooga ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay Madaxtooyada dalka.

Ad
Previous articleBooliska DF oo ka hadlay haweeney gabar todoba jir ah dil ugu geysatay Muqdisho
Next articleNEWS Wararkii U Danbeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Ka Furmay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here