Home wararka Dalka Dhageyso Xildhibaan Dhalxda oo ka hadlay Fadeexad ka jirta Hay.ahadaha Dowlada Qaar...

Dhageyso Xildhibaan Dhalxda oo ka hadlay Fadeexad ka jirta Hay.ahadaha Dowlada Qaar isagoo soo bandhigay,,,

0
SHARE

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in masuq maasuq baahsan uu ka dhex jiro Hay’adaha Dowladda,isagoo sheegay in wax is-daba marin ay ka jiraan deeqaha Waxbarasho ee Dowladda ay hesho.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in si cad loo masuq maasuqo Deeqaha Waxbarasho ee loogu tala galay dhalinyarada Soomaaliya,islamarkaana la kala qeybsado inaatanay gudaha Soomaaliya soo gaarin,sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa deeqo Waxbarasho oo loogu talagalay dhalinyarada Soomaaliyeed in kor loogu qaado aqoontooda ka hesha Dowlado shisheeye,balse ma jirta cid si sax ah u qeybisa.

Ugu danbeyn Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iney sameyso baaritaan dheer oo lagu ogaanayo halka ay ku baxaan deeqaha Waxbarashada iyo in loo bixiyo sidii loogu talagalay.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga Dhalxa,

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here