Home wararka Dalka Dhageyso Wasiirka Amniga iyo Saraakiil Ciidan oo loo diray Shiikh Roobow Amuu...

Dhageyso Wasiirka Amniga iyo Saraakiil Ciidan oo loo diray Shiikh Roobow Amuu Mansuur,,

0
SHARE

Wafdiga uu hogaaminayo Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo ka amba baxay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ayaa waxaa lagu wadaa inay gaaraan duleedka Magaalada Xudur, oo uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Al Shabaab, ayaa Arbacadii dagaal culus ku qaaday Deegaanka Abal, oo uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali, ka dib markii uu ku gacan seyray in uu ururka dib ugu soo laabto. Abal waxay qiyaastii 18km u jirtaa Magaalada Xudur.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa saacadaha soo socdo lagu wadaa inay gaaraan Deegaanka Baano oo 8km u jirta Xudur, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeede.

Wasiir Xasan Eelaay oo wareysi siiyay VOA, ayaa ku waramaya in Abuu Mansuur uu weli ku sugan yahay dhulkii uu horey kaga joogay Gobolka Bakool, sidoo kalana ay Shabaabku ka ag-dhow yihiin goobtaasi.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka,

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here