Home Wararka Caalamka Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Labo Musharax oo si weyn...

Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Labo Musharax oo si weyn isku haya

0

Dalka Kenya waxaa shalay ka dhacday doorasho si weyn loo wada sugayay , waxaana doorashadan oo loogu tartamayo xilka Madaxweynaha iyo kuraasta kale ee Baarlamaanka ku loolamaya musharaxiin tiro badan oo iska soo horjeeda.

Loolanka doorashada ka socota dalka Kenya ayaa si weyn ugu dhaxeesa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, labadan musharax ayaana si weyn loo saadaalinayaa in midkood kusoo baxo xilka Madaxweynaha.

Labadan Musharax ee ku tartamaya xilka Madaxweynaha Kenya ayey aad iskugu dhow yihiin codadka ilaa hadda la tiriyay oo gaaraya 1.2 milyan oo cod, waxaana tirfinta tijaabada ay sameeyeen Warbaahinta Kenya wax yar horeeya William Ruto .

Guddiga doorashada Qaranka ee Kenya ayaa ku mashquulsan tirinta codadka musharaxiinta tartanka u dhaxeeyo, waxaana Madaxweynaha Kenya noqonaya musharaxa hela codadka la tiriyo  50% oo lagu daray hal cod (50%+1)

Doorashada dalka Kenya shalay ka bilaabatay ayaa muhiim ah u ah xassiloonida dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, kadib markii labo ka mid ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ay hareeyeen rabshado iyo musuqmaasuq.

Ad
Previous articleDagaal xoogan oo ka dhacay Muqdisho
Next articleAl-Shabaab oo Toogasho ku fulisay 6 nin akhriso Magacyada raga La Toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here