Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Madax Daacish ee Gobalka Bari Puntland oo...

WAR DEG DEG AH: Madax Daacish ee Gobalka Bari Puntland oo La Dilay

0

Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda  Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani.

War ka soo baxay taliska Boliiska ayaa lagu sheegay in Abuu Albara lagu dilay weerar Kooxda,Daacish  ku qaadday Balli-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00 Habeenimo 12kii Bishaan January.

“Iska hor-imaadka ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo xilkaan ay u magacaabeen 11kii, July 2021 xilligaas oo la dilay madaxii hore ee hawl-galada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boliiska.

Dhagar qabe Abu-Albara ayuu Boliiska Puntland sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia isla markaana uu Ethiopian badan ku qasbay in ay Khawaarijta Daacish ku biiraan.

Ad
Previous articleCiidmado Shalay Laga Dajiyay Magaalada Gaalkacyo oo Qaarkood Geeriyoodeen
Next articleMareykanka Oo $10 Milyan Ku Raadinaya Maxamud Cabdi Adan oo Ka Tirsan Alshabaab iyo Waxa Uu Sameeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here