Home Wararka Maanta Mareykanka oo sheegay in loo soo gacan geliyay nin ku eedeysan inuu...

Mareykanka oo sheegay in loo soo gacan geliyay nin ku eedeysan inuu Al-Shabaab ku biiri rabay

0

Nin kasoo jeeda New Jersey, Mareykanka ayaa lagu xiray Kenya waxaana lagu eedeeyay inuu isku dayay caawinta Al-Shabaab, sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka. Waxaa la sheegay inuu dhiirrigelin ka helay weerarkii ay Xamaas 7-dii October ku qaadday Israa’iil.

Xiritaanka ninkan ayaa imaanaya iyadoo ay kordheen naceybka ka dhanka ah Israa’iil iyo Islaamka kaddib dagaalka Xamaas iyo Israa’iil ee Qasa, kaasoo kordhiyay heerarka khatarta argagixisannimo ee Mareykanka.

Karrem Nasr, oo ah muwaadin u dhashay Mareykanka ayaa kasoo tegay New Jersey wuxuuna aaday Masar bishii July, Bishan 14-keedii ayaa Nairobi lagu xiray isagoo Khamiistii loo qaaday Mareykanka, sida lagu sheegay war shalay kasoo baxay Waaxda Caddaaladda Mareykanka.

Ninkan 23-jirka ah ayaa lagu eedeeyay “isku dayga inuu taageero u fidiyo Al-Shabaab,” dembigan oo uu ku muteysan karo 20 sano oo xabsi ah, sida ay sheegeen dacwad-oogayaashu.

Mareykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsan “urur argagixiso oo ajnabi ah”.

“Sida la sheegay, Karrem Nasr, wuxuu dhiirrigelin ka helay weerarkii ba’naa ee ay Xamaas qaadeen 7-dii Oktoobar, isagoo ku talogalay inuu sameeyo jihaad ka dhan ah Ameerika iyo xulafadiisa,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka Damian Williams.

Nasr ayaa kasoo safray Masar oo yimid Kenya “isagoo doonayay inuu ku biro uuna tababar la qaato Al Shabaab,” ayay yiraahdeen dacwad-oogayaashu.

Ad
Previous articleTartankii Maamul Goboleedyada ee Shalay Furmay oo Dib loo Dhigay
Next articleDowladda Burundi oo Soomaaliya kaka Baxday Ciidamadeedii ugu Badnaa Halmar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here