Home Wararka Maanta Xasan shiikh oo ka Dagay Dalka Uganda Iyo Ujeedka Safarkiisa oo la...

Xasan shiikh oo ka Dagay Dalka Uganda Iyo Ujeedka Safarkiisa oo la Shaaciyay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb-galaya munaasabad maanta ka dhacaysa dalkaasi, taasi oo si rasmi ah loogu saxiixayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee urur-gobaleedka iskaashiga bulshada bariga Afrika ee EAC.

Soomaaliya ayaa bishii hore ee November ku biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, ayada oo sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo markaas ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Ku biirista EAC ayaa waxay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.

Xasan ayaa ku biirista dalladan ku ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”

Soomaaliya ayaa sidoo kale markaas soo bandhigtay faa’iidada ay u leedahay shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

Ad
Previous articleCaalamka oo Hambalyo ku Dhoobay Soomaaliya Kadib Dayn Cafintii Xalay lagu Dhawaaqay
Next articleFaahfaahinta wasiiradda Soomaaliya ee helay lacagta ugu badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here