Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudoomiye Cali Jayte oo Mudo kadib Dib ugu Laabtay Hiiraan Iyo Dagaal...

Gudoomiye Cali Jayte oo Mudo kadib Dib ugu Laabtay Hiiraan Iyo Dagaal La dhan Alshabaab oo uu Markale Hogaamin Doono(Sawiro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan oo howlo shaqo ugu maqnaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne, si uu u hoggaamiyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah AS ee galbeedka Hiiraan dhawaan ka billaaban doona.

Wafdiga guddoomiye Jeyte waxaa qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdi Daahir Guure Karoore iyo masuul kale.

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle Ururka Dhallinyarada gobolka Hiiraan iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay saraakiisha kale ee amniga iyo madax maamulka kamid ayaa guddoomiye Jeyte kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Ad
Previous articleDanab oo War kasoo saartay Saraakiil ugu Dhimatay Dagaalka laasacaanood
Next articleSaraakiil Itoobiyaan ah oo Qaban Doono Ceelbuur iyo Wabxo oo Gaaray Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here