Home ciyaaraha maanta Xidiga Adduunka Ugu Qaalisan Neymar Oo Hashiis Cusub U Saxiixay PSG Iyo...

Xidiga Adduunka Ugu Qaalisan Neymar Oo Hashiis Cusub U Saxiixay PSG Iyo Nambarka Uu Xiran Doono

2
SHARE

Ciyaaryahanka ugu qaalisan Adduunka Neymar Jr ayaa lagu soo bandhigay garoonka ay ku ciyaarto Kooxda reer France ee Paris, kaddib markii la dhameystiray heshiiska uu ugu wareegay kooxdaas.

Neymar ayaa diyaarad qaas ah saaka ka dejisay garoon diyaaradeed oo ku yaala Paris, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Ciyaaryahankan ayaa lagu iibsaday lacag gaareysa 198 oo pound, kaasoo lagu bur buriyay qandaraaski uu kula joogay Barcelona.

Neymar ayaa xiran doona Funaanada Nambarkeedu yahay 10, waxaana uu garoonka Paris ku sameeyay dhoolatus kooban.

Madaxweynaha Kooxda PSG Nasser Al Khelaifi ayaa ku soo dhoweeyay Neymar garoonka PSG, waxaa uu sheegay heshiiskiisa uu yahay mid aan qarsooneyn oo si sharci ah ku dhacay, isagoo xusay in lacagta kooxda bixisay ay dhowaan dib u heli doonto.

Neymar Qoyskiisa ayaa ku sugnaa garoonka, waxaa soo dhoweeyay Taageerayaasha kooxda PSG oo aad ugu faraxsanaa in lala soo wareego.

Ciyaaraha Mudug24

2 COMMENTS

  1. WIILKAN YAR EE AAD XIDIGA KU SHEEGAYSO MA TAQAAN SHAQADIISA?? AAN KUU SHEEGEE
    (CAAG YAR OO LA NEEFEEYEY BUU LAAD LAADAA DABADEEDNA LABA BIROOD DHEXDOODA GALIYAA MARKAASA WA GOOL LA DHAHAA!!!!WAXBAYAHAY..
    GABAYGAYGII AFRIKAANKA WAXA KA MID AHAA.
    1=ARSINAL IYO MAN UNATED INTAAD KU AGWAREEGAYSO
    2=OWAN & ADAMIS INTAY ARINI KAA JOOGTO
    3=ANFAC MA LEH AWOODIYO WAXAAD KU ISTIXYOONAYSO
    4=AFRIKAANKA WAXA SAATAN U GALAY ADIYO QAYRKAAYE
    5=ADNA ARSINAL BAAD NOOLA TIMI ODOYADOODIIYE,
    6=ISTARKA IYO DAYAXA RAG BAA AADAY WAA HORE,E
    7=AGAB & ADUUN BAY DHIGTEEN QAYDNA KU EKEEYE
    8=IFTIINKIISA MOOYEE WAX KALE KA OGOLAAN WAAYE
    9=ADNA SIIRI & CIYAAR BAAD SOO AMKAAMUDIYE
    10=BAL U FIIRSO AMUURTIINU WAA ODAY KA SHEEKEEYE!!!!!!!

  2. WIILKAN YAR EE AAD XIDIGA KU SHEEGAYSO MA TAQAAN SHAQADIISA?? AAN KUU SHEEGEE
    (CAAG YAR OO LA NEEFEEYEY BUU LAAD LAADAA DABADEEDNA LABA BIROOD DHEXDOODA GALIYAA MARKAASA WA GOOL LA DHAHAA!!!!WAXBAYAHAY..
    GABAYGAYGII AFRIKAANKA WAXA KA MID AHAA.
    1=ARSINAL IYO MAN UNATED INTAAD KU AGWAREEGAYSO
    2=OWAN & ADAMIS INTAY ARINI KAA JOOGTO
    3=ANFAC MA LEH AWOODIYO WAXAAD KU ISTIXYOONAYSO
    4=AFRIKAANKA WAXA SAATAN U GALAY ADIYO QAYRKAAYE
    5=ADNA ARSINAL BAAD NOOLA TIMI ODOYADOODIIYE,
    6=ISTARKA IYO DAYAXA RAG BAA AADAY WAA HORE,E
    7=AGAB & ADUUN BAY DHIGTEEN QAYDNA KU EKEEYE
    8=IFTIINKIISA MOOYEE WAX KALE KA OGOLAAN WAAYE
    9=ADNA SIIRI & CIYAAR BAAD SOO AMAAMUDIYE
    10=BAL U FIIRSO AMUURTIINU WAA ODAY KA SHEEKEEYE!!!!!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here