Home Wararka Maanta Diyaaradii Laga Celiyay Hargaysa ee ethopian airline oo Markale Kasoo Dagtay...

Diyaaradii Laga Celiyay Hargaysa ee ethopian airline oo Markale Kasoo Dagtay Hargaysa

0

Waxaa goordhow magaalada Hargeysa kasoo degay wafdi ka socda dowladda Itoobiya, kaasi oo saaka la celiyay diyaaradii ay la socdeen, sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaraya.

Saaka ayay aheyd markii hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad ay leedahay Ethiopia Airlines oo ay la socdeen wafdigaan, kadib markii dowladda federaalka ay sheegtay in aysan ruqsad u haysan inay isticmaasho hawada.

Hase yeeshe wafdigii Itoobiyaanka ahaa ayaa ugu dambeyn goordhow kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal.

Amarka lagu celiyay diyaaradii hore ee wafdiga la socdaan oo aheyd VIP ayaa kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, ayaa sababtay in dib ugu laabtan Addis Ababa.

Sida muuqata wafdiga Itoobiya ka socda ayaa halkaasi diyaarad kale kasoo qaatay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in wafdigaan ay xukuumadda Abiy usoo dirsatay arrimo la xiriira heshiiskii buray ee badda.
Ad
Previous articleMaxay dowladda Soomaaliya u ballan qaadday odayaasha kasoo jeeda gobolka Awdal?
Next articleDowladda Turkiga oo joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here