Home Wararka Maanta Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin Burcad ah iyo Mooto uu...

Ciidanka Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin Burcad ah iyo Mooto uu watay (Sawirro)

0

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta gobolka Banaadir ayaa kordhiyay howlgalada ay ku xaqiijinayaan amniga caasimadda, ugana hortagayaan kooxaha burcada hubeesan ee dadka shacabka ah dhaca u geesta.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Howlwadaag ayey kusoo qabteen nin burcad ah oo watay mooto Bajaaj, booliiska ayaana sheegay in ninkan xilliga lasoo qabanayay uu dhac u geesanayay dad shacab ah.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan burcadnimada ku eedeesan la horgeyn doono maxkamad, waxa ayna shacabka ka codsadeen booliiska in ay lasoo wadaagaan xogta dadka falalka amni dara wada.

Ciidamada ammaanka ee ka howlagala magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay kooxo kala duwan oo isugu jiray kuwa diall geestay, burcad, rag kufsi geestay iyo kooxo kale oo falal ammaan darro ka waday caasimadda.

Ad
Previous articlePuntland oo gacanta ku dhigtay Ajaaniib ka tirsan Daacish
Next articleMadaxweyne William Ruto oo si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here