Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Turkiga Iyo madaxweynaha Israil oo Kulmaya Xili Walaac soo Foodsaaray Labadooda

Madaxweynaha Turkiga Iyo madaxweynaha Israil oo Kulmaya Xili Walaac soo Foodsaaray Labadooda

0

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa dalkiisa ku casuumay dhiggiisa Israel Isaac Herzog, taasi oo tusmeyneysa isu soo dhowaanshaha labada dal oo ay dhalisay dano awood badan oo ka dhaxeeya.

Labada dal ayaa ka walaacsan barnaamijka Nukliyeerka Iran iyo mustaqbalka shidaalka iyo gaaska laga soo dhoofiyo Ruushka.

Xiriirka muddada dheer xumaa ee Turkey iyo Israel ayaa qabowgi ka dhashay ay qarqar-yadiisa si qoto-dheer u taabatay jaaliyadda yar ee Yuhuudda ah ee ku nool Turkiga.

Kumannaan ka mid ah bulshada laga tirada badanyahay ee Yahuudda Turkiga ayaa u hayaamay Israel iyo Yurub, kaddib marki ay eedeymo is-daba-joog ah kala kulmeen wargeysyada Turkiga ee u janjeera dhinaca dowladda.

Laakin casuumadda uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan u fidiyay dhiggiisa Israeli Isaac Herzog, ayaa loo arkaa qeyb ka mid ah dadaallada uu ku doonayo in dalkiisa uu ka qaado go’doominta Israel ee mandiqadda, taasoo ay dadka wax taxliiliya ku sheegeen mid horseedi karta dib u qaabeyn.

Sannadki 2018-ki, Turkiga ayaa safiirkiisii kala soo baxay Israel, islamarkaana weydiistay danjiraha Israel inuu ka tago Ankara, arrintaas oo uu Turkigu ku muujinayay go’aankii uu Mareykanka Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

Ad
Previous articleQarax Xoogan oo Qasaaro Gaystay oo Ka Dhacay Deegaanka Somaalida ee Kenya
Next articleMagaalada Minneapolis oo labo Qof lagu toogtay goor dhow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here