Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Deni oo War kasoo Saaray Guulaha isdaba jooga ah ee Galmudug...

Madaxweyne Deni oo War kasoo Saaray Guulaha isdaba jooga ah ee Galmudug Alshabaab ka Gaartay

0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay guushii ay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa Isniintii Al-Shabaab kala wareegay degmada Xarardheere oo aheyd marin muhiim ah oo kooxda u isticmaali jirtay howlaheeda argagixiso.

“Waxaa halkan hambalyo uga diraya dowlada Galmudug iyo ciidamada federaalka ah ee dhawaan magaalooyinkii mudada dheera ay haysteen ee Xarardheere ka saareen Al-Shabaab,” ayuu yiri.

“Waxaa u rajeynaya dhamaan bulshada iyo ciidamada qeybahooda kala duwan ee Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan ciribtirka iyo la-dagaalanka argagixisada si dalkan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ugu naaloodo amaan iyo daganaansho.”

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay caqabad ku tahay dowlad dhiska Soomaaliya iyo horu-socodka dalka, ayna aad u adag tahay in sida uu sheegay.

“Bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda oo iskaashanaysa in dhamaan deegaanada kale ee ay ku jiraan (Shabaab) meel looga soo wada jeesto, chapter-kaasna Ilaahay idinkii dhawaan lasoo xiro.”

“Marka taas laga gudbo dabcan geedi socod dowlad dhis ah ayaa dalkeena ka jira, Puntland waxay nasiib u heshay in 24 sano ka hor ay go’aansatay in nidaam kala dambeyn iyo dowladnimo dhistaan waana midda dhaxal-siisay in dadkeedu nabad-galyo iyo kala dambeyn ku noolaadan.”

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa Isniintii si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Ad
Previous articleAlshabaabkii Laga Saaray Magaalada Xarardheere oo Duqaymo Culus lala Beegsaday
Next articleGuutada 14ka Octoobar oo Balan Qaaday inay Deg deg uga Jawaabi Doonaan Amarki Madaxweyne Xasan Shiikh ee Shabeelada Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here