Home Wararka Somaliya Labo wiil oo Somali Walaalo ah oo lagu dilay Dalka Mareykanka

Labo wiil oo Somali Walaalo ah oo lagu dilay Dalka Mareykanka

0

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Walaallo ahaa ayaa waxaa si isku dhow loogu dilay magaalada Kansas City, Missouri ee dalka Mareykanka ,iyada oo ay Booliska dalkaas wadaan baritaano la xiriira sabab aha dilka.

Laba kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxaa Gurigooda hortiisa ku dilay Walaalkood, xill ay ka yimaadeen Masaajidka , iyaga oo soo dejiyay Salaada Taraawiixda, halka Wiilka dilka geystay ay goor dambe toogteen Booliska Magalada Kansas City.

Boliiska ayaa sheegay in ay toogteen wiilkan kadib markii uu la dagaalamay oo uu diiday in uu isu dhiibo.

Mid ka mid ah Soomalida ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay in qoyskan ay soo wajahday dhibaatada horay Hooyadooda ceejo loogu dilay xilli ay ku sugneyd Gudaha Gurigeeda, isla markaana dhibaatada hadda qabsatay ay meeshaas kaso bilaabatay.

Ciidamada Booliska Magaalada Kansas City ayaa wada baritano weyn oo la xiriira sababaha keenay in Wiilka Dhalinyarada ahaa uu dilo Walaalkiis, xilli ay masjidka kasoo laabteen, isla markaana ay helayaan Warbiixno kala duwan.

Dalka Mareykanka ayaa horay waxaa loogu dilay Soomali farabadan, iyada oo dilkooda inta badan ay ka dambeeyeen Kooxo madow ah, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan la soo qaban si loo Maxkamadeeyo.

Ad
Previous articleAbshir Bukhaari Oo Ka Hadlay Go’aankii Doorashada Loogu Wareejiyay Rooble
Next articleMusharaxiinta oo war ka soo saaray Tilaabadii Farmaajo uu ku Wareejiyay Awoodii dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here