Home Wararka Maanta Nin Suudani ah oo sheegay in uu aasay 20 qof oo wadada...

Nin Suudani ah oo sheegay in uu aasay 20 qof oo wadada looga tagay

0

Ka dib toddobo toddobaad oo dagaal qaraar oo lagu doonayay in lagu maamulo caasimadda Suudaan, qaar ka mid ah dadka deggan Khartoum ayaa la daalaa dhacaya dhibaato aysan waligood ku fikirin – waxa laga yeelayo dhammaan meydadka oo isa soo taraya oo looga tago waddooyinka magaalada.

Digniin: Sheekadan waxay ka kooban tahay sawiro iyo sharraxaad naxdin leh.

“Saddex qof ayaan guryahooda ku dhex aasay, inta kalena waxaan ku aasay meel ku dhow halka laga soo galo wadada aan ku noolahay,” ayuu yiri Cumar oo magaciisa aan ka badalnay. “Taasi way ka wanaagsan tahay inaad albaabka furto oo aad aragto eey cunaya qayb ka mid ah meydka.”

Ma jirto cid garanaysa inta qof ee ku dhimatay dagaalka ilaa hadda, laakiin waxaa la rumaysan yahay in ay aad uga badan tahay 1,000 qof, oo ay ku jiraan dad badan oo rayid ah oo ay ku dhintay rasasata ay iswiidaarsanayeen labada dhinac .

Iyada oo ay jiraan laba kooxood oo millatari – ciidanka caadiga ah iyo kooxda taageerada degdegga ah (RSF) – oo la dagaallamaya, iyada oo ay jirto xabbad joojin kala duwan, aad bay khatar u tahay in la isku dayo oo la aado qabuuraha.

Cumar waxa uu aasay ugu yaraan 20 qof.

“Nin aan daris nahay ayaa gurigiisa lagu dilay, waxba maan qaban karin, qolkiisa jiifka dhexdiisa ayaan qabri uga qoday oo aan ku aasay” ayuu u sheegay BBC-da.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo laga helay COVID-19
Next articleGeedka 300 sano jirka ee jabay ee ay ka hoos khudbeeyeen talisyadii Xayla Salaase, Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Siyaad Barre ee looga naxay sida qof dhintay oo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here