Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Qaraxyo Culus oo Lagu Weeraray Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan

Qaraxyo Culus oo Lagu Weeraray Degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaraxyo culus oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhacay degmada Jalaqsi.

Qaraxa koowaad wuaxa uu ka dhacay barkoontorool oo ku taala afaafka hore ee Buundada Jalalaqsi halka midka kale uu ka dhacay banaanka magaalada kadib markii ay ciidamada rasaaseen.

Xogaha hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Hal qof uu ku geeriyooday qaraxyadan, halka 4 kalane ay ku dhawacmeen labadaasi qarax ee ka dhacay Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Khasaaraha ayaa intaasi kasii badan kara, waxaan socda gurmadka loo sameynayo dadka waxyeelada kala duwan ay ka soo gaartay weerarkan oo ay soo maleegtay kooxda Al-Shabaab.

Degmada Jalaqsi ayaa kamid ah degmooyinka Hormuudka u ah kacdoonka ka dhanka ah Shabaab, iyadoo kooxda dhowr jeer oo hore ay qaraxyo uga geysatay magaalada.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo ka hadlay Howlgalka ka bilowday Mudug iyo la wareegida Ceelhuur
Next articleKenya Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya Iney Safaarad Ka Furaneyso Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here