Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dagaal kadib laga Saaray Saldhigii Baraag Cali gaduud ee koonfurta...

Alshabaab oo Dagaal kadib laga Saaray Saldhigii Baraag Cali gaduud ee koonfurta Gobalka Mudug(Sawiro)

0

Dagaal Waqti kooban Socday ayaa Maantay Duhurnimadii Dhexmaray Kooxda Alshabaab iyo Ciidamada Gorgor oo ka Shanaaya Dadka Deegaanka.

Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Gor Gor ururka’3 iyo ururka 6’Aad ,iyo Ciidanka Deegaanka Degmada Xarardheere Ayaa How-gal Bur Burin Ah Kasameey Taliskii Alshabaab Ay Kulaahaayeen Deegaanka Baraag Cali Gaduud Koonfurta Magaalada Xarardheere.

Howl-galka Ayaa Alahabaab lagu Gaarsiiyey Jab Xooggan Waxaana Ay Ciidanka Gor Gor XDS iyo Dadka Deegaanka oo is Garabsanaya Ay Cagta Mariyeen Saldhigii Maleshiyada Alshabaab Ah Ay halka Kulahaayeen.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii howlgal dhanka cirka ah ay ka fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga deegaanka baraag-cali gaduud ee koo furta gobolka mudug.

Ad
Previous articleXukunka Daacishtii Masjidka kula kale wareegayay Bambooyinka.
Next articleCiidamada ATMIS oo 16 Sano kadib laga Raray Madaxtooyada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here