Home Wararka Maanta Erdogan oo farriin kulul u diray Israa’il iyo reer galbeedka

Erdogan oo farriin kulul u diray Israa’il iyo reer galbeedka

0

Xilli uu la hadlayey dadweyne aad u qiiraysan oo ku sugan Istanbul, ayuu madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ku tilmaamay weerarrada Israa’iil ee Qaza “xasuuq”, wuxuuna sheegay in xulafada reer galbeedka ee Israa’iil ay yihiin “dambiilaha ugu weyn” ee ka dambeeya waxa uu ugu yeeray dambiyada dagaal ee Israa’iil.

“Israa’iil, waxaan kuu cadeyneynaa inaad tahay dambiile dagaal, aduunkana waan u diyaar garoobeynaa, waxaanuna Israel ugu soo bandhigi doonaa aduunka inay tahay dambiile dagaal.”

Erdogan waxa kale oo uu sii watay mawqifkiisii ahaa in aanu Xamaas u aqoonsanayn “urur argagixiso”.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay goob ballaaran oo uu sheegay in ay isugu soo baxeen dad gaaraya 1.5 milyan oo qof .

Dadkii ka soo qeyb galay ayaa ruxayey calamada Turkiga iyo Falastiin. Munaasabadan oo loogu magac daray Dibadbaxa Falastiin ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk ee aan la isticmaalin,halkaas oo uu Erdogan horay ugu qabtay isu soo bax noocaan oo kale ah.

Sabtidii, wuxuu ku celceliyay dhaleeceynta reer galbeedka iyo diidmada ay weli ku baaqeen xabbad joojinta Qaza, wuxuuna ku baaqay in dunida Muslimku ayy u midowdo.

Ad
Previous articleDublamaasiyiinta israail oo lagu amray inay la Baxaan Dalka Turkiga Xili Turkiga Iyo Israail Xiisad ka Dhex Taagantahay
Next articleAbshir Mowlid Axmed oo ahaa bamba tuure ka tirsanaa Alshabaab oo Gacanta Lagu Dhigay Xili uu Bomba Tuuray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here