Home Wararka Somaliya Doorashada Aqalka sare ee Galmudug oo Maanta dhuusamareeb ka bilaabanaysa

Doorashada Aqalka sare ee Galmudug oo Maanta dhuusamareeb ka bilaabanaysa

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ku dooranaya illaa lix senator oo ka tirsan Aqalka Sare iyadoo labo kamid ah kuraastana ay u tartamayaan haween.

Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale.

Qodobada habraaca cusub ayaa waxaa ka mid ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

Doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Baydhabo,Kismaayo iyo Garowe, ayaa musharixiinta qaar kood waxa ay u tanaasuleen mudaneyaashii la tartamayay taas oo doorashada ka dhigtay mid aan si adag loogu tartamin oo codka la siiyo musharaxiin la sii ogaa inay ku soo baxayaan.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa la adkeeyay gaar ahaan xarunta Baarlamaanka oo doorashadu ka dhacayso.

Ciidanka amaanka Galmudug, kuwa Faderaalka iyo Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa ku sugan goobta loo qorsheeyay codaynta.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashada Galmudug oo soo saaray habraaca Doorashada Kuraasta aqalka sare iyo Sharciyo Muhiim ah
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo si cad uga hadlay Muranka kala dhaxeeya Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here