Home Wararka Maanta Maraykanka oo siiyay Israail Hubka nukliyeerka iyo Wadamada Carabta oo Cabsi soo...

Maraykanka oo siiyay Israail Hubka nukliyeerka iyo Wadamada Carabta oo Cabsi soo Wajahday

0

Israa’iil ayaa soo dhaweysay in uu Mareykanka geeyo badda hoosteeda nuclear-ka ee gobolka.

Mareykanka ayaa xeebaha Yuhuuda geeyey markab gujis ah oo ah kuwa xambaara gantaalaha Nuclearka ah, iyadoo horey ay gobolkaas u joogeen maraakiib dagaal oo Mareykanku u diray.

Israa’iil ayaa si weyn u soo dhaweysay gantaallada Nukliyeerka ah ee Mareykanka uu gobolkaasi geeyey taasoo loo arkayay mid ay Washignton ku dooneyso in looga hortago in dagaalka Qaza uu ku fido gobolka bariga dhexe.

Dadka falanqeeya arrimaha bariga dhexe ayaa sheegaya in talaabadan looga dan leeyahay in lagu cabsi geliyo dalalka carabta iyo Iran oo laga cabsi Qabo iney dagaalka ku soo biiraan haddii ay sii socoto duqeynta Gaza.

Imaatinka markabka quusa ayaa timid iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu uu shaqada ka joojiyay Wasiir ka tirsanaa xukuumadiisa ka dib markii uu soo jeediyay in bamka Nukliyeerka lagu tuuro Gaza.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa 16 gantaal ka soo riday dalka Lubnaan kuna wajahnaa waqooyiga Israa’iil, sida uu shaaciyay garabka hubaysan ee kooxda Falastiin.

Kooxda ayaa sheegtay in ay beegsadeen goobo ku yaalla koonfurta magaalada xeebta ku taal ee Haifa ee Israa’iil.

Guutada Ezzedine al-Qassam ayaa sheegtay in duqeymahan ay jawaab u yihiin gumaadka ay Yuhuudu ku hayso dadkooda ku sugan marinka Qaza.

Dhinaca kale, Waxaa dib loo furay marinka Rafah ee u dhaxeeya Qaza iyo Masar si loo ogolaado in Ajaanibta labada dhalasho heysta ee ka soo jeeda dhulka falastiiniyiinta ay ka baxaan halkaas.

Terminalka ayaa la furay saddex maalmood Arbacadii, Khamiista iyo Jimcihii usbuucii hore si loogu oggolaado tobanaan Falastiiniyiin ah oo dhaawacmay iyo boqollaal qof oo haysta baasabooro ajnabi ah inay u gudbaan Masar.

Waxa la xiray Sabtidii iyo Axaddii iyadoo uu muran ka dhashay marinkii gantaallada Israa’iil ay garaaceen ambalaasyada siday dhaawacyada bannaanka isbitaalka Shifa ee Gaza habeenkii Jimcaha.

 

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Gaza oo wali Socda iyo Sida Haatan Xaalku yahay
Next articleXoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres oo Sheegay in Qasa ay noqotay qabuuraha carruurta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here