Home Wararka Maanta Hoobiyayaal lagu Garaacay Muqdiaho iyo Guri uu daganaa Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka...

Hoobiyayaal lagu Garaacay Muqdiaho iyo Guri uu daganaa Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka soomaaliya oo Hoobiye Ku Dhacay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa hoobiye saaka aroortii hore ku dhacay guriga Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiye uu ku dhacay hoy uu xildhibaankan oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed ku leeyahay xaafadda Dabaqiinka ee dgemadaas, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo qaaray qaar kamid ah carruurtiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innnoo sheegay in goobta uu ku geeriyooday wiil uu dhalay Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirauy Maxamuud Maxamed Keerow, ayada oo uu dhaawac soo gaaray wiil kale oo uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Maxamed Warsame.

Sidoo kale waxaa burbur xoog leh uu soo gaaray guriga xildhibaanka ee saaka lagu weeraray hoobiye, balse lama oga halka laga soo tuuray.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale innoo sheegay in guri kale oo daris la ah xildhibaanka uu ku dhacay hoobiye kale, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan hoobiyeyaashaasi khasaaraha dhaliyay.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii sidaan oo kale tiro hoobiyeyaal lagu garaacay xaafadda Taraabuushka, kuwaas oo ay khasaare kasoo gaareen dad rayid ah.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka.

Ad
Previous articleIsraa’iiliyiin ka sheekeeyay yaabkii ay la kulmeen markii ay falastiiniyiintu albaabada ku soo garaaceen
Next articleXamaas oo weerartay dad meydad ka raadinayay goob ay ku dhinteen dad ka badan 260

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here