Home Wararka caalamka Caalamka Dalka Turkiga banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Erdogan oo Istanbul ka...

Caalamka Dalka Turkiga banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Erdogan oo Istanbul ka dhacay Sawiro,,,

0

Banaan bax weyn oo looga soo horjeeday Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa ruxay magaalada Istanbuul, waxaana banaan baxan dhigayay dad mucaarad ah oo kasoo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha Turkiga.

In ka badan 100-kun oo qof ayaa ka qeyb qaadanayay banaan baxan looga soo horjeeday Madaxweynaha dalka Turkiga, waxaana dadkan ugu baaqay in ay soo banaan baxaan hogaamiyaha Mucaaradka dalkasai Kemal Kilicdaroglu.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee looga soo horjeedo Madaxweynaha dalka Turkiga tan iyo waxii ka dambeeyay Afgambihii fashilmay, waxaana dadka banaan baxa dhigayay ay ruxayeen calanka dalka Turkiga.

Waxaa loogu magac daray banaan baxan Socodka cadaalada ,dadka banaan baxa dhigayay ayaana socod kasoo bilaabay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga, iyagoona ugu dambeyn gaaray magaalada Istanbuul

Banaan baxan looga soo horjeeday Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa khatin u ahaa socod 25-maalmood qaatay oo kasoo bilowmay magalaada Ankara oo 450-km u jirta magaalada Istanbuul oo ah halka lagu soo khatimay banaan baxan.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo si adag uga hadlay banaan baxan ayaa ku tilmaamy mid lagu taageerayo argagaxisada loogana soo horjeedo horumarka iyo nabada ka jirta dalka Turkiga.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here