Home Wararka Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Puntland laga soo doortay oo Muqdisho kusoo wajahan

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Puntland laga soo doortay oo Muqdisho kusoo wajahan

0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metelaya Puntland oo ku sugan Garoowe ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa ku sii jeeda Muqdisho si ay uga qayb-galaan dhaarinta xubnaha labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Dhaarinta xildhibaannada ayaa loo qorsheeyay Khamiista berriya oo ku beegan 14 bisha April 2022 waxaana lagu wadaa in dhaarinta kadib xubnaha laga soo doorto Puntland ay dib ugu laabtaan Garoowe.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash iyo guddoomiye Cabdirashiid Abwaan ayaa xalay kulan saagooyin ah la yeeshay xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka ku matala Puntland.

Ad
Previous articlePutin oo ka hadlay inta uu soconayo Dagaalka Ruushka uu ku Qaaday Ukraine
Next articleErgaygii Gaarka ahaa ee Maraykanka u Qaabilsanaa Geeska Africa oo is casilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here