Home Wararka Somaliya Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka hadlay Dagaalo shalay ka dhacay Gobalka Mudug

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka hadlay Dagaalo shalay ka dhacay Gobalka Mudug

0

Taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay dagaalkii shalay dhexmaray ciiddamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo dhinaca iyo kooxda Alshabaab.

Gen. Maxamed Tahliil Biixi, oo wareysi siinayay BBC Somali, ayaa sheegay in dagalkaasi ay ku dileen 24 kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab, iyaga dhinacoodana wuxuu tilmaamay in ay ka geeriyoodeen hal sarkaal iyo labo askari.

Gen. Biixi wuxuu sheegay dagaalku  inuu dhacay Xawaal Cumar oo dhacda aagga Ceel-Huur, isagoo sheegay inuu dagaal aad u culus oo khasaare ballaaran ay ku gaarsiiyeen Alshabaab.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay dagaalka soo qaadeen Alshabab oo doonaysay in ay dib u qabsadaan deegaannada dhawaan laga saaray.

Biixi wuxuu sheegay ciidamadu in ay saakay gaareen goobihii loogasoo duulay, ayna la wareegeen deegaanno kale oo cusub.

Wuxuu xaqiijiyay taliyuhu in hal gaari looga gubay dagaalka, sidoo kalena todobo askari looga dhaawacay.

Alshabaab ayaa maanta war qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay dagaalkii shalay ku dileen 30 kamid ah ciiddamada milatariga Soomaaliya ayna maxaabiis ku qabteen.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Maanta FurayShirweynaha Arrimaha Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada ee Galmudug (Sawiro)
Next articleMadaxwaynaha Galmudug oo ka qeyb galay Shirka dhawrista Deegaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here